• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Fahad Yaasiin oo ka digay saameynta dhacdadii Doolow

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
1 week ago
Reading Time: 4 mins read
Fahad Yaasiin oo ka digay saameynta dhacdadii Doolow
Share

Wararka24: Fahad Yaasiin, oo horey u soo noqday agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, ee lagu duqeyay guriga taliye SHUB, isaga oo ka digay saameyn amni iyo mid siyaasadeed oo ka dhalan karto.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn asna yeelan karo saameyn ka baxsan gudaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dhacdada ay saameyn ku yeelan karto xaaladda amni ee dalka iyo waddamada deriska ah.

Isaga oo dhacdada Doolow barbar dhigaya qaraxii 2006 lala beegsaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayuu sheegay in labada dhacdo ay yeelan karaan saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo muddo dheer sii jiri karta.

“Gaarigii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa ka dhashay isbeddallo saamayn weyn ku yeeshay dalka 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isaga oo si gaar ah uga hadlayay weerarka Doolow, Fahad Yaasiin wuxuu sheegay in isticmaalka drone-ka uu arrinta ka dhigi karo mid leh saameyn ballaaran. “Diyaaradda Drone-ka ah ee lagu weeraray guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan ee Doolow, waxaa ka dhalan doonta saamayn halis ah oo dalka iyo waddamada deriska ah ku sii faafi karta,” ayuu yiri.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inay ka gudubtay xuduudihii uu sheegay inay ilaalinayeen nidaamka amniga qaranka Soomaaliya.

“Nidaamka Xasan Sheekh xuduud kasta wuu dhaafay, waxaana khasab ah in dib loogu laabto hannaanka amniga qaranka oo idil,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii Doolow. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya sababta qaraxa, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.

Dowladdu waxay intaa ku dartay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga. Si kastaba, baaritaanka rasmiga ah ayaa lagu wadaa inuu caddeeyo sida ay dhacdadu u dhacday iyo cidda mas’uulka ka ahayd.

Dhacdada Doolow ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka jira qaybo ka mid ah dalka, iyadoo weerarka iyo hadallada kasoo baxay dhinacyada siyaasadda ay sare u qaadeen baahida loo qabo in si rasmi ah loo caddeeyo cidda ka dambeysay iyo ujeeddada weerarka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.