Wararka24: Haweeney Saxafiyad sawir-qaada ah oo kaso jeeda Iiraan oo lagu magacaaba Yalda Moaiery, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay inay sawirro iyo wareysiyo siisay warbaahin iyo hay’ado ay mas’uuliyiinta Iiraan u arkaan kuwo cadow ku ah dalka Iiran. Xukunka ayaa lagu riday iyadoo ku maqneyd wadanka dibadisa, sida ay sheegtay warbahnta Reuters.
Moaiery ayaa muddo dheer sawirro ka qaadaysay dibadbaxyada, colaadaha iyo nolosha haweenka Iiraan, shaqadaas oo marar badan isku dhac ka dhex abuuraytay iyada iyo mas’uuliyiinta dalka. Waxay horey ugu xirneyd shaqadeeda saxaafadeed, gaar ahaan intii lagu jiray dibadbaxyadii 2022 ee ka dhashay geeridii Mahsa Amini.

Xukunka cusub ayaa lagu saleeyay sharci la meel mariyay kaddib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iiraan iyo Israa’iil sanadkii 2025. Mas’uuliyiinta Iiraan waxay sheegeen in sharcigaasi looga gol leeyahay in lagula dagaallamo basaasnimada iyo iskaashiga dowladaha ay u arkaan cadow.
Moaiery ayaa Reuters u sheegtay in markii ay tagtay Maxkamadda Kacaanka ee Tehran aan loo gudbin dukumentiyo rasmi ah oo ku saabsan kiiskeeda. Waxay sheegtay in saaxiibteed in loo diibay nuqul ka mid ah warqad dacwadeed oo gacanta lagu qoray, taasoo ay ku jireen eedeymaha loo soo jeediyay.
Sida laga soo xigtay dukumentiyada ay Reuters aragtay, Moaiery waxaa lagu eedeeyay inay wareysiyo siisay warbaahin ay dowladda Iiraan u aragto cadow, iyo inay sawirro siisay ururo xiriir la leh Mareykanka iyo Israa’iil. Reuters waxay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan waxyaabaha ku qoran warqadda dacwadda.
Moaiery waxay sidoo kale sheegtay in xubno ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay gurigeeda baaritaan ka sameeyeen intii lagu jiray dibadbaxyadii Janaayo, ayna la wareegeen taleefankeeda, laptop-keeda, kamarado iyo qalab kale oo elektaroonik ah. Waxay sheegtay in ciidamada ay mar kale gurigeeda yimaadeen kaddib weerarradii cirka ee Mareykanka ka fuliyay Iiraan.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay habka loo maareeyay kiiskeeda, gaar ahaan iyadoo aan loo oggolaan inay si buuxda u aragto dukumentiyada dacwadda. Roya Boroumand oo ka tirsan Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Abdorrahman Boroumand ayaa sheegtay in habkan uu wiiqayo hufnaanta nidaamka garsoorka Iiraan.
Xukunka ayaa sidoo kale lagu daray tallaabooyin kale oo ay ka mid yihiin in laga mamnuuco shaqooyinka dowladda iyo qaar ka mid ah howlaha dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo sidoo kale la amray in lala wareego qaar ka mid ah qalabkeeda. Moaiery ayaa horey u sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xukunka.
Moaiery aya hore ugu xukumanayd xabsi sababo la xiriira shaqadeeda saxaafadeed. Sanadkii 2022 aya Moaiery la xiray, xilli ay tabinaysay dibadbaxyadii “Woman, Life, Freedom”, waxaana markii dambe lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ah, inkastoo cafis dambe loo fidiyay.
Moaiery ayaa si gaar ah diiradda u saarta haweenka Iiraan iyo xaaladaha bulshada. Sawir ay qaaday sanadkii 2017 oo muujinayay ardayad ka mudaaharaadaysa xaaladaha dhaqaale ee Jaamacadda Tehran ayaa baraha bulshada iyo caalamka a’ad ugu faafay, halka Moaiery ay sidoo kale horey u sawirtay xarigga haweenka iyo howlgallada booliiska anshaxa.

Moaiery aya hada haysataa 10 maalmood oo ay racfaan uga qaadato xukunka iyadoo la raacayo sharciga cusub. Inkastoo ay wajihi karto suurtagalnimada xabsi kale, waxay sheegtay inay sii wadi doonto diiwaangelinta dhacdooyinka iyo muujinta xaqiiqada bulshada Iiraan.







