Wararka24: Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa digniin ka soo saaray shirkado iyo shabakado xawaaladeed uu sheegay inaysan haysan ruqsad ay kaga shaqeeyaan adeegyada lacag-dirista gudaha dalka.
Bangigu wuxuu sheegay in isticmaalka wakiillada lacag-dirista ee aan ruqsadda haysan iyo shabakadaha aan sharciyeysneyn ay ka hor imaanayaan sharciga Itoobiya, isla markaana ay dadka lacagta diraya iyo kuwa qaadanaya u horseedi karaan khataro dhaqaale iyo sharci.
War-saxaafadeed uu Bangiga Qaranka Itoobiya soo saaray 28-kii Agoosto 2025 ayaa bulshada iyo qurbo-joogta Itoobiya loogu baaqay inay isticmaalaan oo keliya adeegyada lacag-dirista ee haysta ruqsadda bangiga.

Bangigu wuxuu sheegay in lacagaha loo diro shirkadaha aan la oggolayn ay keeni karaan khasaare dhaqaale, dib-u-dhac ku yimaadda lacag bixinta, xannibaadda akoonnada iyo tallaabooyin sharci ama maamul.
Liiska shirkadaha uu bangigu sheegay inaysan haysan oggolaanshaha adeegyada lacag-dirista waxaa ku jira Amal Express, Amal USA, Amana Express, Bakal Money Transfer, Jubba Express, Ramad Pay, Tasa Pay, Tawakal Money Services, World Direct Link, Zola, Taaj Financial Service iyo shirkado kale.
Go’aankan ayaa si gaar ah u saameyn kara nidaamka lacag-dirista ay isticmaalaan Soomaalida ku nool Itoobiya iyo dadka dibadda uga soo dira lacagaha, maadaama qaar ka mid ah shirkadaha ku jira liiska ay yihiin adeegyo ay Soomaalidu si weyn u isticmaasho.
Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa dadka kula dardaarmay inay hubiyaan ruqsadda shirkadda ay lacagta u dirayaan ama ka helayaan, isla markaana ay adeegsanayaan oo keliya wakiillada ku jira liiska rasmiga ah ee uu bangigu ansixiyay.
Bangigu wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadan loogu talagalay in lagu ilaaliyo macaamiisha, laguna xaqiijiyo in adeegyada lacag-diristu ay ku shaqeeyaan nidaamka sharciyeed ee Itoobiya.







