Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Bangiga Qaranka Itoobiya oo xannibaad kusoo rogay xawaalado ay…

Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa digniin ka soo saaray shirkado iyo shabakado xawaaladeed uu sheegay inaysan haysan ruqsad ay kaga shaqeeyaan adeegyada lacag-dirista gudaha dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 29, 2026, 1:01 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Bangiga Qaranka Itoobiya oo xannibaad kusoo rogay xawaalado ay…
Share

Wararka24: Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa digniin ka soo saaray shirkado iyo shabakado xawaaladeed uu sheegay inaysan haysan ruqsad ay kaga shaqeeyaan adeegyada lacag-dirista gudaha dalka.

Bangigu wuxuu sheegay in isticmaalka wakiillada lacag-dirista ee aan ruqsadda haysan iyo shabakadaha aan sharciyeysneyn ay ka hor imaanayaan sharciga Itoobiya, isla markaana ay dadka lacagta diraya iyo kuwa qaadanaya u horseedi karaan khataro dhaqaale iyo sharci.

War-saxaafadeed uu Bangiga Qaranka Itoobiya soo saaray 28-kii Agoosto 2025 ayaa bulshada iyo qurbo-joogta Itoobiya loogu baaqay inay isticmaalaan oo keliya adeegyada lacag-dirista ee haysta ruqsadda bangiga.

Bangigu wuxuu sheegay in lacagaha loo diro shirkadaha aan la oggolayn ay keeni karaan khasaare dhaqaale, dib-u-dhac ku yimaadda lacag bixinta, xannibaadda akoonnada iyo tallaabooyin sharci ama maamul.

Liiska shirkadaha uu bangigu sheegay inaysan haysan oggolaanshaha adeegyada lacag-dirista waxaa ku jira Amal Express, Amal USA, Amana Express, Bakal Money Transfer, Jubba Express, Ramad Pay, Tasa Pay, Tawakal Money Services, World Direct Link, Zola, Taaj Financial Service iyo shirkado kale.

Go’aankan ayaa si gaar ah u saameyn kara nidaamka lacag-dirista ay isticmaalaan Soomaalida ku nool Itoobiya iyo dadka dibadda uga soo dira lacagaha, maadaama qaar ka mid ah shirkadaha ku jira liiska ay yihiin adeegyo ay Soomaalidu si weyn u isticmaasho.

Bangiga Qaranka Itoobiya ayaa dadka kula dardaarmay inay hubiyaan ruqsadda shirkadda ay lacagta u dirayaan ama ka helayaan, isla markaana ay adeegsanayaan oo keliya wakiillada ku jira liiska rasmiga ah ee uu bangigu ansixiyay.

Bangigu wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadan loogu talagalay in lagu ilaaliyo macaamiisha, laguna xaqiijiyo in adeegyada lacag-diristu ay ku shaqeeyaan nidaamka sharciyeed ee Itoobiya.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.