Wararka24: Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in Uganda ay ciidamadeeda si buuxda uga saari doonto Soomaaliya 1-da Agoosto 2027, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen howl-gallada amniga dalka.
Kainerugaba ayaa qoraal uu Jimcihii ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2027 aysan Soomaaliya ka sii howlgeli doonin ciidamo ka tirsan UPDF.
Si kastaba, warbixin ay baahisay People Daily ayaa tilmaantay in aan weli la caddeyn in taariikhda uu sheegay taliyaha ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda.
Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamo ku biiriyay howl-gallada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007. Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer taageerayay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo hubanti la’aan la xiriirta maalgelinta iyo saadka.
Mareykanka ayaa horay Midowga Afrika ugu sheegay inuusan maalgelin doonin taageerada saadka iyo howl-gallada AUSSOM wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026. Taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka ayaa muhiim u ah adeegyo ay kamid yihiin cuntada, biyaha, shidaalka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.
Arrintan ayaa walaac ka dhex abuurtay Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, maadaama AUSSOM ay si weyn ugu tiirsan tahay taageero caalami ah si ay howlaheeda u sii waddo.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalaysay in ciidamada qaranka ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale ku celcelisay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu yahay mid ku-meel-gaar ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in Soomaaliya ay doonayso in ciidamadeeda ay mustaqbalka si buuxda ugu filnaadaan difaaca iyo amniga dalka.
Hase yeeshee, kala-guurka amniga ayaa wajahaya caqabado, iyadoo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee ciidamada ku biiriya howlgalka, sidaas darteed ka bixitaankeeda suurtagalka ah ayaa imaanaya xilli AUSSOM ay raadineyso ilo cusub oo lagu maalgeliyo laguna taageero howlaha amniga Soomaaliya.







