Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya, kadib dabab xooggan oo Arbacadii, 26-kii Agoosto, ka kacay meelo kala duwan oo dalkaas ah.
Dababka ayaa si gaar ah uga dhacay gobollada Jijel, Béjaïa iyo Tizi Ouzou ee waqooyi-bari Aljeeriya, waxaana la sheegay inay sababeen dhimashada ugu yaraan 12 qof iyo dhaawaca 54 kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Aljeeriya iyo qoysaska ay musiibadu saameysay, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay khasaaraha nafeed iyo midka kale ee ka dhashay dababka.
Muqdisho ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta Aljeeriya iyo adeegyada gurmadka degdegga ah, kuwaas oo ku hawlan daminta dababka, samatabbixinta dadka iyo xakameynta faafitaanka ololka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Aljeeriya ayaa sheegay in lix ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu halis tahay. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin lagu daadgureynayo qoysaska ku nool meelaha uu dabku khatarta ku yahay.
Dababka ayaa kusoo beegmay xilli qaybo ka mid ah Aljeeriya ay wajahayaan kulayl daran iyo dabaylo xooggan, kuwaas oo fududeeyay in ololku si degdeg ah ugu fido deegaannada ay musiibadu saameysay.
Ciidamada iyo kooxaha gurmadka ayaa weli wada dadaallo lagu xakameynayo dababka iyo badbaadinta dadka ku nool goobaha ay xaaladdu saameysay. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujisay taageeradeeda iyo garab istaagga ay u hayso dowladda iyo shacabka Aljeeriya xilligan adag.







