• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Aadan Madoobe oo amray howl-gall ka dhan ah ciidamada taabacsan Lafta-gareen iyo Al-Shabaab

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 weeks ago
Reading Time: 2 mins read
Aadan Madoobe oo amray howl-gall ka dhan ah ciidamada taabacsan Lafta-gareen iyo Al-Shabaab
Share

Wararka24: Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe, ayaa soo gabagabeeyay kulamo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo faray in la qaado tallaabooyin amni oo lagu sugayo magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.

Kulamada uu madaxweynuhu la yeeshay saraakiisha amniga ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Baydhabo iyo sidii looga hortagi lahaa weerarro ka iman kara Al-Shabaab iyo ciidamada daacadda u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Aadan Madoobe ayaa ciidamada ku amray inay ka howlgalaan goobaha looga shakisan yahay in laga soo abaabulo weerarrada lagu beegsanayo Baydhabo, iyadoo qorshuhu yahay in la xoojiyo difaaca magaalada iyo waddooyinka muhiimka ah.

Sida Wararka24 loo sheegay, ciidamada federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa loo diyaariyay inay fariisimo cusub ka sameystaan duleedka Baydhabo, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo ka yimid Dowladda Federaalka ay shalay magaalada gaareen.

Aadan Madoobe ayaa horey Dowladda Federaalka uga dalbaday taageero ciidan oo dheeraad ah, si loo xoojiyo amniga Baydhabo. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in dowladda ay fulisay qaar ka mid ah ballamihii ay horey ula gashay maamulka Koonfur Galbeed.

Qorshahan ayaa kusoo aadaya xilli Baydhabo ay ka jirto xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyo kala duwan ay isku hayaan maamulka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, weli si rasmi ah looma shaacin waqtiga ay ciidamada bilaabayaan howl-gallada, waxaana isha lagu hayaa tallaabooyinka xiga ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.