• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Indonesia oo sababay dhimasha iyo bubur

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 weeks ago
Reading Time: 3 mins read
Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Indonesia oo sababay dhimasha iyo bubur
Share

Wararka24: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu yahay 7.7 aya maanta oo Sabtidii ka dhacay bariga Indonesia, sida ay sheegeen hay’adaha samatabbixinta. Dhulgariirka oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha jasiiradda Flores ayaa sababay burbur dhismayaal, dhul-go’ iyo in kumannaan qof ay ka cararaan guryahooda.

Magaalada dekedda ah ee Maumere, oo ka tirsan gobolka Sikka, kooxaha samatabbixinta ayaa helay 20 qof oo dhintay, lix dhaawac ah iyo laba qof oo weli ku xayiran burburka hoostiisa. Maumere ayaa ka mid ah meelaha sida weyn uu u saameeyay dhulgariirku, iyadoo kooxaha gurmadku ay sii wadaan baaritaanka dhismayaasha burburay.

Dhulgariirka ayaa sidoo kale saameeyay gobolka Nagekeo oo ku dhow halka uu dhulgariirku ka dhacay. Isgaarsiinta halkaas ayaa hakad gashay, iyadoo dhul-go’ ay xannibeen waddooyin muhiim ah oo ay ku adkaatay in kooxaha samatabbixintu ay gaaraan meelaha ay dhibaatadu ka dhacday sida warbahinta CNBC warisay.

Hay’adda qaranka ee maaraynta musiibooyinka Indonesia ayaa sheegtay in ku dhowaad 2,000 oo qof ay ka qaxeen Nagekeo. Burburka ayaa laga soo sheegay dhismayaal, bakhaarro iyo xarumo dowladeed, halka koronto la’aan iyo ciriiri gaadiidna laga diiwaangeliyay qaybo ka mid ah gobolka.

Dhulgariirka ayaa sababay mowjado tsunami ah oo ka hooseeyay hal mitir qeybo ka mid ah Indonesia. Digniinta tsunami-ga ayaa la qaaday qiyaastii saddex saacadood kadib, iyadoo mas’uuliyiintu ay sii wadeen la socodka gariirrada dambe ee dhacay.

Hay’adda juqraafiga Indonesia ee BMKG ayaa sheegtay in dhulgariirku dhacay saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah, iyadoo baaxadisa lagu qiyaasay 15 kiiloomitir. Gariir xooggan ayaa laga dareemay qaybo ka mid ah Bariga iyo Galbeedka Nusa Tenggara iyo Koonfurta Sulawesi.

Isbitaallo ku yaalla meelaha ay dhibaatadu gaartay ayaa bukaanno u raray bannaanka sababo la xiriira cabsi laga qabo burbur kale iyo gariirrada dambe. Waddooyin qaar ayaa xirmay kadib dhul-go’, taas oo sii adkeysay dadaallada gurmadka iyo is gaarsiinta adeegyada degdegga ah.

Dhulgariirkii 1992 oo ka dhacay isla gobolkan

Indonesia waxay ku taallaa aagga loo yaqaan “Ring of Fire” ee Badweynta Baasifigga, halkaas oo dhaqdhaqaaqa taarikada dhulka uu sababo dhulgariirro iyo foolkaanooyin badan. Dhulgariirkii 1992 ee Flores oo cabbirkiisu ahaa 7.5 ayaa sidoo kale sababay burbur iyo khasaaro xooggan oo ka dhacay isla gobolkan


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.