Wararka24: Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay heegan buuxa gelisay Ciidamada Difaaca Puntland, iyadoo digniin ka soo saartay safar la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada la xiriira safarka Madaxweynaha, iyadoo lagu eedeeyay inuu wado abaabul ka dhan ah Puntland. Puntland ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in safarkaasi uu saameyn ku yeesho xaaladda amni ee Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ma uusan soo bandhigin caddeymo muujinaya in safarka Madaxweynaha uu la xiriiri karo qorshe militari ama qalalaase. Dowladda Federaalka Soomaaliya dhankeeda weli kama aysan jawaabin eedeymaha Puntland.
Wararka jira ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu booqdo Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb iyo deegaanka Xananbuure, halkaas oo la filayo inuu tababar ugu soo xiro cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda Galmudug.
Puntland ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug, gaar ahaan kuwa koonfurta Gaalkacyo, ugu baaqday inay ka hortagaan tallaabo kasta oo ay u arkaan inay dib u hurin karto xiisadda magaalada. Waxay sidoo kale sheegtay inay qaadi karto tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo amniga Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee Puntland.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland iyo dowladda federaalka ay muddooyinkii dambe isku hayeen arrimo siyaasadeed iyo amni. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gaalkacyo, oo ay ku jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo iska-horimaadyo, ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho amniga magaalada.







