Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, General Sam Okiding, oo magaalada u yimid ka qeybgalka shirka taliyeyaasha ciidamada dalalka taageera amniga Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Uganda, dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta ciidamada labada dal. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Uganda uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leeyihiin dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo dadaallada lagu sugayo nabadda dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga labada dal uu muhiim u yahay xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo ka hortagga khataraha amni.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo labada dal ay muddo dheer iska kaashanayeen dhinacyada amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan.
General Sam Okiding ayaa ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada dalalka taageera Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka ka socda Muqdisho. Shirkan ayaa looga arrinsanayaa sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta ciidamada iyo isku-duwidda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaatay howlgalada amniga Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu muddo dheer qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu taageerayo dowladda iyo ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.


















