• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashooyinka Galmudug, kuna baaqay dib-u-eegis madax-bannaan

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashooyinka Galmudug, kuna baaqay dib-u-eegis madax-bannaan
Share

Wararka24: Xisbiga Towfiiq ayaa si rasmi ah u diiday natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee Dowlad-goboleedka Galmudug ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS). Xisbigu wuxuu ku eedeeyay guddiga in habraacii doorashada lagu tuntay rabitaanka codbixiyeyaasha, isla markaana la dhaawacay hannaanka doorasho qof iyo cod ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga ayaa lagu sheegay in natiijada lagu dhawaaqay ay shacabka Galmudug ka qaaday xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, isla markaana ay wiiqday kalsoonidii lagu qabay geeddi-socodka doorashada. Towfiiq wuxuu ku dooday in habka loo maareeyay codbixinta iyo tirinta codadka ay hareeyeen musuq iyo eex, kuwaas oo, sida uu sheegay, si weyn u saameeyay natiijada kama dambaysta ah.

Xisbigu wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay filayeen doorasho xor iyo hufan oo ka tarjumaysa rabitaankooda, balse natiijada lagu dhawaaqay aysan waafaqsanayn xogta ay ka heleen wakiilladooda goobaha codbixinta. Wuxuu sidoo kale ka digay in aqbalidda natiijadan ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Towfiiq ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in dib loogu noqdo go’aanka lagu dhawaaqay, isla markaana dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo natiijooyinka iyo codadka laga kala helay tobanka degmo ee doorashadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo in rabitaanka shacabka si sax ah loo muujiyo.

Sida uu sheegay xisbigu, doorashada tobanka degmo ee Galmudug waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay ahaayeen 987, oo u dhiganta ku dhowaad boqolkiiba hal. Towfiiq wuxuu ku andacooday inuu helay 53,054 cod oo u dhiganta 53.85% codadkii golaha wakiillada, taasoo uu sheegay inay siinaysay 47 ka mid ah 89-ka kursi ee golaha.

Dhanka goleyaasha deegaanka, xisbigu wuxuu sheegay inuu helay 54,064 cod oo u dhiganta 54.87% codadkii la dhiibtay, isagoo ku dooday in natiijadaasi u saamaxaysay inuu ku guuleysto 104 ka mid ah 243-da kursi ee goleyaasha deegaanka ee Galmudug.

Dhanka kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shalay ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada, iyagoo sheegay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka ugu codadka badan, kadib markii uu helay 135,247 cod iyo 63 kursi, halka Ururka Towfiiq uu galay kaalinta labaad isagoo helay 26,003 cod iyo 12 kursi.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.