• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hobolkii caanka ahaa Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Hobolkii caanka ahaa Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka
Share

Wararka24: Alle ha u naxariistee, hobolkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal ayaa maanta ku geeriyooday dalka Maraykanka, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa. Geeridiisa ayaa murugo ku abuurtay bahda fanka Soomaaliyeed, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku riyaaqayay hal-abuurkiisa iyo fankiisa.‎‎

Axmed Cali Cigaal waxa uu ka mid ahaa haldooradii ugu magaca dheeraa ee fanka Soomaaliyeed, isagoo caan ku ahaa heesaha, laxan-samaynta iyo tumista muusigga. Intii uu ku jiray mihnadda fanka waxa uu door muuqda ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, isaga oo laxan u sameeyay boqolaal heesood oo ay qaadeen fannaaniin caan ah, halka kuwo kalena uu isagu ku luuqeeyay.‎‎

Marxuumka ayaa dabayaaqadii sannadihii 1940-meeyadii ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo. Horraantii 1960-meeyadii ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu waxbarashadiisa ka bilaabay, isla markaana uu saldhig uga dhigtay socdaalkiisii fanka.

‎‎Safarkiisa fanka ayaa si rasmi ah u billowday sannadkii 1964, markii Raadiyow Muqdisho laga baahiyay heestii ugu horreysay ee uu qaaday, taas oo cinwaankeedu ahaa “Bari iyo Galbeed, Keebaa Na Baantay?”. Heestaasi waxay si weyn u soo jiidatay shacabka, iyadoo albaab u furtay inuu noqdo mid ka mid ah hobolladii ugu caansanaa Soomaalida.

‎‎Kadib wuxuu ku biiray Dugsigii Muusigga, halkaas oo uu si cilmiyaysan ugu bartay muusigga iyo laxan-samaynta. Wuxuu door weyn ku lahaa ruwaayado caan noqday sida “Talo iyo Tallaabo,” “Yaxaas Dhagaduub” iyo “Shabeelnaagood,” isagoo u sameeyay laxanka heeso badan oo qayb ka ahaa ruwaayadahaas.‎‎

Muddo ka badan nus qarni ayuu Axmed Cali Cigaal ka tirsanaa Hobollada Qaranka ee Waaberi. Inta uu halkaas ka tirsanaa wuxuu laxan iyo muusig u sameeyay heeso badan oo caan noqday, kuwaas oo ay ka mid yihiin Batalaale, Candaliibka, Raad Abeeso, Dadnimada Aqoonso, Galaydh, Feejignow, Haasaawe, Gayaan, Gacallo iyo Caraweelo, kuwaas oo weli ka mid ah kaydka dahabiga ah ee fanka Soomaaliyeed.‎‎

Geerida Alle ha u naxariistee Axmed Cali Cigaal waxay ka dhigan tahay luminta haldoor muhiim ah oo door weyn ku lahaa horumarka fanka Soomaaliyeed. Dhaxalka suugaaneed iyo faneed ee uu ka tegay ayaa sii ahaan doona mid ay jiilasha dambe ka dhaxlaan, waxaana lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa kobcinta fanka, laxamadiisii iyo codkiisii lagu yaqaanay. ‎‎Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.