Wararka24: Doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ee heer deegaan ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay dhammaan degmooyinkii loo asteeyay inay ka dhacdo, iyadoo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu sheegay in goobaha codbixintu si buuxda u furmeen.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daahfuray howlaha codbixinta, isagoo ku tilmaamay doorashadan tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhammaan 10-ka degmo ee Galmudug loo qorsheeyay doorashada ay saaka 7:00 subaxnimo si isku mid ah uga furmeen goobaha codbixinta. Wuxuu xusay in tani ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow lixdan sano oo shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan inay si toos ah u doortaan hoggaankooda heer deegaan.
Sida uu sheegay, magaalada Dhuusamareeb waxaa laga hirgeliyay 14 goobood oo codbixineed, kuwaas oo ay ku jiraan 10 goobood oo ku yaalla gudaha magaalada iyo afar goobood oo ku yaalla daafaha magaalada, si loogu fududeeyo shacabka inay codkooda dhiibtaan.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in guud ahaan Galmudug ay iska diiwaangeliyeen in ka badan 200,000 oo codbixiye, iyadoo inta badan dadkaasi ay hore u qaateen kaararkooda codbixinta, kuwaas oo loo adeegsanayo habsami u socodka geeddi-socodka doorashada.
Cabdikarin Axmed Xasan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Galmudug inay si nabad ah uga qeyb qaataan codbixinta, isagoo xusay in qof kasta oo isdiiwaangeliyay uu codkiisa ku dhiiban karo kaarka codbixinta ama kaarka aqoonsiga ee la aqoonsan yahay.
Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka ee maamulka heer deegaan, iyadoo la filayo in natiijooyinkeeda ay saameyn ku yeeshaan hannaanka doorashooyinka dalka ee mustaqbalka.
























