• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo edheysane Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle u gacan gelisay Mareykanka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
DF oo edheysane Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle u gacan gelisay Mareykanka
Share

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa la wareegtay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan musuq-maasuqii weynaa ee Feeding Our Future, kadib markii dowladda Soomaaliya ay u wareejisay Washington, inkastoo labada dal aysan lahayn heshiis rasmi ah oo ku saabsan isu-dhiibidda dambiilayaasha.

Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa Khamiistii laga dejiyay gobolka Minnesota, halkaas oo lagu wado inuu kasoo muuqdo maxkamad federaal ah. Sida ay sheegtay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, wuxuu hadda wajahayaa 31 eedeymood oo ay ku jiraan khiyaano dhaqaale, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda iyo lacag-dhaqid.

Dowladda Mareykanka ayaa xustay in eedeymahaasi ay weli yihiin kuwo u baahan in maxkamad lagu caddeeyo, maadaama qof kasta loo aqoonsan yahay inuusan dambi lahayn ilaa lagu helo.

Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo hay’adda dambi-baarista canshuuraha ee IRS ayaa la sheegay inay Soomaaliya uga soo galbiyeen Cabdikariim, kadib wada-shaqeyn dhex martay hay’adaha amniga iyo garsoorka ee labada dal.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya kaalintii ay ka qaateen qabashadiisa iyo wareejintiisa.

Cabdikariim ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho dabayaaqadii bishii Juun, ku dhowaad afar sano kadib markii maxkamad federaal ah oo Mareykanka ku taalla ay soo saartay waaran lagu soo xirayo. Qabashadiisa ayaa dhalisay dood sharciyeed, maadaama Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu dhigayo in qof lagu wareejin karo dal kale oo keliya haddii uu jiro sharci ama heshiis caalami ah oo arrintaas oggolaanaya.

Xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Cabdikariim inuu door muhiim ah ku lahaa qorshaha musuq-maasuqa ee Feeding Our Future, isagoo la shaqeynayay aas-aasaha hay’adda, Aimee Bock. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay sameynta xarumo cunto oo been abuur ah, ansixinta codsiyo aan sax ahayn iyo helitaanka malaayiin dollar oo loogu talagalay barnaamijyada quudinta carruurta.

Baaritaanka Feeding Our Future ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah musuq-maasuqyadii ugu waaweynaa ee lagu sameeyo lacagaha dowladda federaalka Mareykanka. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in in ka badan 240 milyan oo dollar si khiyaano ah looga leexiyay barnaamij loogu talagalay quudinta carruurta xilligii cudurka Covid-19, iyadoo tobannaan qof hore loogu soo oogay dacwado la xiriira kiiskan.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.