Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo edheysane Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle u gacan gelisay Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa la wareegtay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan musuq-maasuqii weynaa ee Feeding Our Future, kadib markii dowladda Soomaaliya ay u wareejisay Washington, inkastoo labada dal aysan lahayn heshiis…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 17, 2026, 12:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DF oo edheysane Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle u gacan gelisay Mareykanka
Share

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa la wareegtay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan musuq-maasuqii weynaa ee Feeding Our Future, kadib markii dowladda Soomaaliya ay u wareejisay Washington, inkastoo labada dal aysan lahayn heshiis rasmi ah oo ku saabsan isu-dhiibidda dambiilayaasha.

Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa Khamiistii laga dejiyay gobolka Minnesota, halkaas oo lagu wado inuu kasoo muuqdo maxkamad federaal ah. Sida ay sheegtay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, wuxuu hadda wajahayaa 31 eedeymood oo ay ku jiraan khiyaano dhaqaale, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda iyo lacag-dhaqid.

Dowladda Mareykanka ayaa xustay in eedeymahaasi ay weli yihiin kuwo u baahan in maxkamad lagu caddeeyo, maadaama qof kasta loo aqoonsan yahay inuusan dambi lahayn ilaa lagu helo.

Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo hay’adda dambi-baarista canshuuraha ee IRS ayaa la sheegay inay Soomaaliya uga soo galbiyeen Cabdikariim, kadib wada-shaqeyn dhex martay hay’adaha amniga iyo garsoorka ee labada dal.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya kaalintii ay ka qaateen qabashadiisa iyo wareejintiisa.

Cabdikariim ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho dabayaaqadii bishii Juun, ku dhowaad afar sano kadib markii maxkamad federaal ah oo Mareykanka ku taalla ay soo saartay waaran lagu soo xirayo. Qabashadiisa ayaa dhalisay dood sharciyeed, maadaama Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu dhigayo in qof lagu wareejin karo dal kale oo keliya haddii uu jiro sharci ama heshiis caalami ah oo arrintaas oggolaanaya.

Xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Cabdikariim inuu door muhiim ah ku lahaa qorshaha musuq-maasuqa ee Feeding Our Future, isagoo la shaqeynayay aas-aasaha hay’adda, Aimee Bock. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay sameynta xarumo cunto oo been abuur ah, ansixinta codsiyo aan sax ahayn iyo helitaanka malaayiin dollar oo loogu talagalay barnaamijyada quudinta carruurta.

Baaritaanka Feeding Our Future ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah musuq-maasuqyadii ugu waaweynaa ee lagu sameeyo lacagaha dowladda federaalka Mareykanka. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in in ka badan 240 milyan oo dollar si khiyaano ah looga leexiyay barnaamij loogu talagalay quudinta carruurta xilligii cudurka Covid-19, iyadoo tobannaan qof hore loogu soo oogay dacwado la xiriira kiiskan.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.