• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Taliyihii Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo xalay la dilay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Taliyihii Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo xalay la dilay
Share

Wararka24: Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Guleed Kadleeye, ayaa geeriyooday kaddib markii xalay lagu weeraray degmadaas. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga, nin hubeysan ayaa rasaas ku furay taliyaha, waxaana asagoo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka Jariiban, balse wuxuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiintu si rasmi ah uma shaacin sababta ka dambeysay weerarka lagu dilay taliyaha. Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo duruufaha dilka iyo cid kasta oo ku lug leh.

Marxuum Guleed Kadleeye wuxuu ka mid ahaa ciidamadii booliiska ee lagu soo tababaray dalka Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu dhowaan ka mid noqday saraakiishii loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo ammaanka, isagoo ka shaqeynayay sugidda amniga Jariiban iyo la dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

Degmada Jariiban ayaa muhiim u ah dhinaca amniga, iyadoo saldhig u ah ciidamo dhowaan ay qortay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, mararka qaar waxaa laga soo sheegaa dhaqdhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo oo ka dhaca deegaannada u dhow xeebaha gobolka Mudug.

Dhanka kale, Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Ibraahim Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka taliyaha.

Sida talisku sheegay, eedeysanaha ayaa lagu qabtay howlgal degdeg ah oo la fuliyay saacado yar kaddib dhacdada, waxaana la filayaa in loo gudbiyo hay’adaha garsoorka si loo mariya habraaca sharciga.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.