• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda iyo mucaaradka oo rajo ka muujiyay horumarka wada-hadallada socda

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda iyo mucaaradka oo rajo ka muujiyay horumarka wada-hadallada socda
Share

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa sheegay in wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ay marayaan heer wanaagsan, isagoo rajo ka muujiyay in laga gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Wasiirka oo ka hadlay shir ka furmay magaalada Muqdisho ayaa qiray in dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana uu jiro is-jiidjiid u dhexeeya dhinacyada siyaasadda. Wuxuu xusay in kala aragti duwanaanshahaasi uu yahay qayb ka mid ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda, isla markaana laga gudbi karo iyadoo loo marayo wada-hadal.

Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in kulamada u socda dowladda iyo mucaaradka, oo ay garwadeen ka yihiin saaxiibbada caalamka, ay si wanaagsan u socdaan. Wuxuu tilmaamay in dowladda ay rajeynayso in wada-hadalladaasi ay horseedaan natiijo lagu wada qanco, isla markaana lagu xalliyo qodobada la isku hayo.

Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ayaa guud ahaan isku raacsan mabda’a ah in Soomaaliya loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah. Si kastaba, waxaa weli taagan kala aragti duwanaansho la xiriira qaabka, waqtiga iyo habraaca lagu hirgelinayo nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa sheegtay in caqabadda ugu weyn aysan ahayn go’aanka qabashada doorashada, balse ay tahay sidii loo hirgelin lahaa hannaan lagu wada heshiiyo. Waxay xustay in loo baahan yahay in si cad looga heshiiyo qaabka loo marayo geeddi-socodka doorashada.

Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo dowladda, mucaaradka iyo saamileyda kale ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in heshiis looga gaaro hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.