Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda iyo mucaaradka oo rajo ka muujiyay horumarka wada-hadallada socda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa sheegay in wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ay marayaan heer wanaagsan, isagoo rajo ka muujiyay in laga gaaro is-afgarad ku saabsan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 15, 2026, 5:15 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda iyo mucaaradka oo rajo ka muujiyay horumarka wada-hadallada socda
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa sheegay in wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ay marayaan heer wanaagsan, isagoo rajo ka muujiyay in laga gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Wasiirka oo ka hadlay shir ka furmay magaalada Muqdisho ayaa qiray in dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana uu jiro is-jiidjiid u dhexeeya dhinacyada siyaasadda. Wuxuu xusay in kala aragti duwanaanshahaasi uu yahay qayb ka mid ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda, isla markaana laga gudbi karo iyadoo loo marayo wada-hadal.

Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in kulamada u socda dowladda iyo mucaaradka, oo ay garwadeen ka yihiin saaxiibbada caalamka, ay si wanaagsan u socdaan. Wuxuu tilmaamay in dowladda ay rajeynayso in wada-hadalladaasi ay horseedaan natiijo lagu wada qanco, isla markaana lagu xalliyo qodobada la isku hayo.

Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka ayaa guud ahaan isku raacsan mabda’a ah in Soomaaliya loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah. Si kastaba, waxaa weli taagan kala aragti duwanaansho la xiriira qaabka, waqtiga iyo habraaca lagu hirgelinayo nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa sheegtay in caqabadda ugu weyn aysan ahayn go’aanka qabashada doorashada, balse ay tahay sidii loo hirgelin lahaa hannaan lagu wada heshiiyo. Waxay xustay in loo baahan yahay in si cad looga heshiiyo qaabka loo marayo geeddi-socodka doorashada.

Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo dowladda, mucaaradka iyo saamileyda kale ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in heshiis looga gaaro hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

3 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.