• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidanka Danab oo burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen weerarro

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidanka Danab oo burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen weerarro
Share

Wararka24: Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd.

Howlgallada ayaa ka dhacay deegaannada Xawaalo-afwaax, Weelmaarow iyo Lafagari, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen goobahaasi isla markaana ay burburiyeen godad difaac iyo xarumo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka weerarrada iyo kaydinta agabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay gaareen ujeeddooyinkii loo qorsheeyay, isla markaana la burburiyay saldhigyo iyo difaacyo ay Al-Shabaab ka samaysatay deegaannadaasi. Dowladda ayaa sheegtay in goobaha la beegsaday ay kooxda kasoo abaabuli jirtay weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso gulufka milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaddib amarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriiray dardargelinta howlgalada lagu beegsanayo kooxda.

Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Danab ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan koonfurta dalka. Dowladda ayaa hore u sheegtay in howlgal ka dhacay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo sida dowladda sheegtay u qaabilsanaa qorista maleeshiyaad cusub iyo uruurinta baadda ay kooxda ka qaaddo shacabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay sii wadaan beegsiga fariisimaha, xarumaha iyo horjoogayaasha kooxda ee ku sugan deegaannada ay weli ka howlgasho.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.