• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wamaxay sababta uu Farmaajo uga mid noqon waayay Golaha Mustaqbalka?

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wamaxay sababta uu Farmaajo uga mid noqon waayay Golaha Mustaqbalka?
Share

Wararka24: Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Farmaajo uusan diidin ka mid noqoshada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse ay arrintaas kasoo horjeesteen xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in isaga oo hoggaaminayay guddiga Nabad iyo Nolol ee wada-hadallada siyaasadeed, ay la kulmeen diidmo uga timid xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka. Sida uu sheegay, xubnahaas ayaa ku dooday in haddii Farmaajo lagu daro golaha ay iyagu ka bixi doonaan.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uu ka fogaaday tallaabo kasta oo keeni karta kala-jab ku yimaada mucaaradka, isagoo doorbiday in la ilaaliyo midnimada dhinacyada siyaasadeed. Sida uu xusay, go’aanka uu farmaajo ugu mid noqonin golaha kama iman dhinaca Nabad iyo Nolol.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka ay ku doodeen in Farmaajo iyo xisbigiisa aan loo aqoonsan karin mucaarad dhab ah, maadaama mowqifyadooda siyaasadeed ay kaga duwan yihiin kooxaha kale ee mucaaradka. Wuxuu sheegay in cidna aysan xaq u lahayn inay siyaasiyiinta siiso ama ka qaaddo magaca mucaaradnimo.

Nabad iyo Nolol ayaa sheegtay inay sii wadi doonto ka qaybgalka wada-hadallada siyaasadeed ee lagu raadinayo xal laga gaaro muranka doorashooyinka. Xisbigu wuxuu xusay in uu leeyahay mowqif u gaar ah oo ku saabsan hannaanka doorashada, isla markaana uu taageersan yahay in Soomaaliya u gudubto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli socdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo diiradda lagu saarayo hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in kala aragti duwanaanta ka dhex jirta mucaaradka ay saameyn ku yeelan karto dadaallada lagu doonayo in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo horseeda doorasho loo dhan yahay.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.