Wararka24: Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaysa cadaadis sii kordhaya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay guluf dagaal oo lagu doonayo in lagu soo afjaro awoodda kooxda ee deegaannada ay weli ka joogto dalka.
Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada qalabka sida ay diyaarinayaan howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo fariisimaha Al-Shabaab, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiisha ciidamada ay booqashooyin ku tageen furimaha hore si ay u dardargeliyaan abaabulka ciidamada.
Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in maalmihii u dambeeyay xubno iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada koonfureed. Xubnahaasi ayaa la sheegay inay sheegeen in weerarrada joogtada ah, duqeymaha iyo duruufaha adag ee ka jira goobaha ay kooxdu ku sugan tahay ay ku qasbeen inay ka baxaan Al-Shabaab.
Sida wararku sheegayaan, qaar ka mid ah xubnaha isdhiibay ayaa isku soo dhiibay ciidamada ku sugan deegaannada Mubaarak, Buulo Mareer iyo Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda ka wadaan howlgallo amni.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay baaqii cafiska ee uu u fidiyay xubnaha ka baxaya Al-Shabaab, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay ka tanaasulaan fikirka kooxda kuna soo laabtaan bulshada. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay dhawaan shacabka la wadaagi doonto qorshaha howlgalka cusub ee lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaadka.
Dowladdu waxay sheegtay in gulufkan cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka iyo ciribtirka Al-Shabaab. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga hadashay sheegashooyinka dowladda ee ku saabsan isdhiibidda xubnaheeda ama qorshaha howlgalka cusub.



















