• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Taliska Guutada 77 + sawiro

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Taliska Guutada 77 + sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Taliska Guutada 77 ee Madaxtooyada Qaranka, kadib munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka hor salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo saraakiil ciidan oo goobta ku sugnaa. Waxaa booqashada ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guutada 77.

Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dhismaha xaruntan cusub, isagoo sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonto tayeynta shaqada Guutada 77 iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada ee la xiriirta ilaalinta Madaxtooyada iyo madaxda qaranka.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Madaxweynaha iyo saraakiisha la socotay ayaa kormeer ku sameeyay xarunta cusub iyo xafiisyada loo dhisay saraakiisha, kuwaas oo lagu sameeyay dib u habeyn iyo qalabeyn lagu horumarinayo habsami u socodka howlaha ciidanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dhaawacmay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu xaaladooda caafimaad ka wareystay, isagoo ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada qalabka sida. Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay qorshayaasha lagu tayeynayo ciidamada iyo kaabeyaasha ay ku shaqeeyaan.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dowladda ay sii waddo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, isla markaana ay adkeyneyso dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dib u dhiska hay’adaha difaaca qaranka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.