• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo galay wajiga labaad, maxa soo kordhay?

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka oo galay wajiga labaad, maxa soo kordhay?
Share

Wararka24: Wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa maanta galay wajiga labaad, iyadoo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka Ku-meel-gaarka ah.

Kulanka ugu horreeyay ee maanta ayaa dhex maray ergo ka socota Dowladda Federaalka iyo guddiga farsamada ee matalaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo ka socda Dowladda Turkiga iyo xubno ka socday beesha caalamka oo ka qeyb qaadanaya fududeynta wada-hadallada.

Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in guddigeeda farsamada uu si rasmi ah u galay wajiga labaad ee wada-xaajoodyada. Waxay xustay in aragtidooda ay ku saleysan tahay midnimo iyo wadajir, si xal looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, kooxda ayaa sheegtay inay kulanka kusoo bandhigi doonto hindise ku saabsan nooca doorasho ee xilligan dalka ka qabsoomi karta, iyo shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta nidaam lagu wada heshiiyo.

Waxaa sidoo kale la qorsheeyay kulan kale oo dhex mari doona wakiillada Dowladda Federaalka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo isna diiradda lagu saari doono qodobbada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo sidii loo yareyn lahaa is-mari-waaga siyaasadeed.

Wada-hadalladan oo billowday 7-dii Luulyo ayaa loo arkaa dadaal muhiim ah oo lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay. Dowladda Federaalka iyo mucaaradkuba waxay hore u muujiyeen inay ka go’an tahay sii wadista wada-xaajoodyada, iyadoo Dowladda Turkiga ay door ka qaadaneyso fududeynta geeddi-socodka.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa dood siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Indhaha siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa haatan ku wajahan natiijooyinka kasoo baxa wada-hadalladan iyo suurtagalnimada in laga gaaro heshiis wax ku ool ah oo horseeda xasillooni siyaasadeed.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.