Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimo ay isticmaali jireen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 8, 2026, 12:23 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose
Share

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimo ay isticmaali jireen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada, Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat iyo Saaxweyn. Howlgalka ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga, baaritaanka goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka isku xira deegaannadaas, si looga hortago dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, Ururka 251-aad ee Guutada 25-aad ayaa howlgallo sifeyn iyo burburin ah ka sameeyay deegaannada Shabeeley, Bangaley, Fay Yuusuf iyo Cismaan Dure oo hoostaga deegaanka Toora-tooroow. Ciidamada ayaa sheegay inay halkaas ku burburiyeen fariisimo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyada.

Taliyaha Ururka 251-aad, Maxamed Xasan Abuukar (Dhaga-dheere), ayaa sheegay in howlgalka lagu guuleystay burburinta saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaannadaasi, isagoo xusay in tallaabadaasi ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ka hortagga weerarro lagu beegsan lahaa shacabka rayidka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, si loo xoojiyo amniga loogana saaro kooxda goobaha ay weli ku sugan tahay. Waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyo.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay dadaallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan gulufyo ka socda gobollo dhowr ah oo dalka ka tirsan.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.