• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay amniga Baab Al-Mandab

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay amniga Baab Al-Mandab
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee marin-biyoodka Baab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Wadahadalkan ayaa yimid kaddib kulan dhinaca taleefanka ah oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, iyadoo diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sacuudigu ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay sugidda amniga biyaha caalamiga ah, gaar ahaan marin-biyoodka Baab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

Labada dal ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo in laga hortago khatar kasta oo saameyn karta ganacsiga iyo isu-socodka caalamiga ah.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobannimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo muhiimad weyn u leh ganacsiga iyo isku socodka caalamiga ah.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.