• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sacuudiga oo xoojinaya xiriirka uu la leeyahay Burkina Faso  kadib go’aankii lagu jaray xiriirkii Faransiiska

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sacuudiga oo xoojinaya xiriirka uu la leeyahay Burkina Faso  kadib go’aankii lagu jaray xiriirkii Faransiiska
Share

Dowladda Sacuudiga ayaa billowday dadaallo lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay Burkina Faso, xilli dalkaasi uu dib u habeyn ku sameynayo xiriirradiisa diblomaasiyadeed kaddib hoos u dhaca xiriirka uu la lahaa Faransiiska.

Sacuudiga ayaa magacaabay Saad Misfer inuu noqdo safiirka u qaabilsan Burkina Faso, iyadoo loo xilsaaray xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed ee labada dal.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Burkina Faso ayaa sheegay in Sacuudigu qorsheynayo hirgelinta mashaariic horumarineed oo laga fulinayo magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ku yaalla.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ibrahim Traoré ay hore u qaaday tallaabooyin lagu dhimayo saameynta Faransiiska, kadib markii ay dalka ka saartay diblumaasiyiin Faransiis ah oo lagu eedeeyay faragelin arrimaha gudaha.

Sacuudiga ayaa sii wada qorshihiisa horumarineed ee ku xusan Himilada 2030, iyadoo Afrika ay ka mid tahay gobollada ay Riyadh dooneyso inay ku ballaariso iskaashigeeda dhaqaale iyo maalgashi.

Burkina Faso ayaa ka mid ah waddamada hodanka ku ah kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan dahabka, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah maalgashiga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee gobolka Galbeedka Afrika.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.