Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah….

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay bilaabi doonto guluf dagaal oo cusub oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, isaga oo xusay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa khatarta ay kooxda ku…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 5:22 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah….
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay bilaabi doonto guluf dagaal oo cusub oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, isaga oo xusay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa khatarta ay kooxda ku hayso amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu jeediyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida, shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay sii xoojin doonaan howlgallada ka socda deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda, isla markaana la xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in qorshaha cusub uu ka koobnaan doono tallaabooyin ciidan iyo kuwo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay doonayso in la xaqiijiyo amni waara, dib loo furo waddooyinka xiran iyo in bulshada loo abuuro fursado nololeed oo wanaagsan, si loo taageero dadaallada xasilinta iyo horumarka dalka.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada qaranka, isla markaana ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu sugayo nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay wadday howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo taageero dhinaca amniga iyo sirdoonka ah ka heleysa dalal iyo hay’ado caalami ah oo ka qeyb qaata dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

4 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

4 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

24 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.