Wararka24: Warbaahinta Al Mayadeen ee fadhigeedu yahay Lubnaan ayaa baahisay warbixin ay ku sheegtay in shixnad qalab ah oo ka timid Israa’iil la geeyay Soomaaliya, isla markaana lagu diiwaangeliyay magaca xafiis ka tirsan Qaramada Midoobay.
Sida ay warbaahintu sheegtay, shixnaddan oo culeyskeedu gaarayay kun kiiloogaraam ayaa ka soo baxday magaalada Tel Aviv, iyadoo la sheegay inay soo martay Nairobi ka hor inta aysan gaarin Muqdisho 21-kii June. Al Mayadeen ayaa soo xigatay ilo ay ku tilmaantay kuwo sare oo istiraatiiji ah oo gobolka ku sugan.
Si kastaba, warbixintaasi si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirto illaa hadda wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Israa’iil ama Qaramada Midoobay oo ku saabsan sheegashada la xiriirta shixnadda la sheegay in la keenay.
Al Mayadeen ma aysan magacaabin xafiiska Qaramada Midoobay ee lagu diiwaangeliyay shixnadda, balse waxay sheegtay in qalabkaasi uu ahaa nidaam isgaarsiin casri ah oo loogu talagalay adeegsi ciidan iyo dhinacyada sirdoonka. Waxa kale oo ay sheegtay in qalabkaasi ay soo saartay shirkad Israa’iili ah oo lagu magacaabo Mer Security and Communications.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan hadallada la xiriira amniga gobolka Geeska Afrika iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay ku loollamayaan dano amni, siyaasadeed iyo kuwo istiraatiiji ah.
Maalmihii la soo dhaafay, hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdul-Malik Al-Houthi, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqiisa uu si dhow ula socdo arrimaha Soomaaliya, isaga oo muujiyay walaac ku saabsan waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo aan weli wax jawaab rasmi ah laga helin hay’adaha ay khusayso warbixinta la baahiyay.


















