Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 3, 2026, 4:58 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga labada dowladood.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha, iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale falanqeeyay fursadaha lagu xoojin karo iskaashi istaraatiiji ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, si kor loogu qaado xiriirka siyaasadeed iyo kan horumarineed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Rome.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka ay la leedahay Talyaaniga, isaga oo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo door weyn ka qaatay taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga labada dal uu wax badan ka taray dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi ayaa muujiyay sida dowladda Talyaanigu uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, maamulka iyo horumarinta hay’adaha.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed oo soo jiray muddo dheer, waxaana sanadihii dambe sii xoogeysanayay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada dowladda iyo arrimaha socdaalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.