• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada
Share

Wararka24: Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta maandooriyaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in saddexda nin lagu eedeeyay inay gudaha Sacuudiga si sharci darro ah ku geliyeen maandooriye nooca xashiishka ah, iyagoo ka soo gudbay xuduudaha dalka. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maxkamadaha dalkaasi ay ku heleen dambiyada loo haystay, kaddibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Magacyada saddexda qof ee la sheegay in xukunka lagu fuliyay ayaa kala ah Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Xasan. Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay inay dhammaantood yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Fulinta xukunka ayaa ka dhacday gobolka Najraan ee koonfurta Sacuudi Carabiya, oo ku dhow xadka Yemen. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in raggan lagu qabtay deegaanno ku dhow xadka xilli ay isku dayayeen inay dalka geliyaan walxo maandooriye ah.

Sacuudiga ayaa muddo dheer waday olole ka dhan ah tahriibinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo dowladdaasi ay marar badan sheegtay in qof kasta oo lagu helo dambiyadaas la marsiin doono ciqaabo adag oo waafaqsan shuruucda dalka.

Shuruucda Sacuudiga ayaa ka mid ah kuwa ugu adag dunida marka ay timaaddo dambiyada la xiriira maandooriyaha, waxaana dadka lagu helo dambiyada qaarkood lagu xukumi karaa dil, kaddib marka ay maraan heerarka kala duwan ee nidaamka garsoorka.

Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sii waddo dadaallada ay ku xoojinayso la dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga walxaha maanka dooriya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.