Wararka24: Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan ayaa loo magacaabay inuu maamulo ciyaarta kama dambaysta ah ee horyaalka Zain Premier League ee dalka Kuwait. Ciyaarta ayaa la qorsheeyay inay 29-ka Juun dhex marto kooxaha Kuwait SC iyo Qadsia SC, kuwaas oo ku loollamaya hanashada horyaalka xilli-ciyaareedka 2025/2026.
Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait ayaa si rasmi ah ugu martiqaaday Cumar Cartan inuu qabto kulankaasi muhiimka ah. Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo garsooraha laftiisa ayaa aqbalay martiqaadka, iyagoo muujiyay farxad iyo mahadcelin ku aaddan kalsoonida loo muujiyay garsooraha Soomaaliyeed.
Magacaabistan ayaa loo arkaa mid muujinaysa sumcadda sii kordheysa ee Cumar Cartan ku leeyahay garsoorka kubadda cagta heer caalami. Muddooyinkii la soo dhaafay ayuu ka dhex muuqday tartamo iyo ciyaaro heer sare ah, taas oo sare u qaaday kalsoonida ay xiriirrada kubadda cagta ee caalamku ku qabaan awooddiisa garsoornimo.
Fursaddan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli Cartan uu helayo aqoonsi ballaaran oo ka imanaya hay’adaha kubadda cagta. Magacaabistiisa finalka horyaalka Kuwait ayaa ka dhigeysa mid kamid ah garsoorayaasha Afrika ee si joogto ah loogu aamino kulamada waaweyn ee caalamiga ah.
Ciyaarta dhex mari doonta Kuwait SC iyo Qadsia SC ayaa ah mid si weyn loo sugayo, maadaama ay go’aamin doonto kooxda ku guuleysaneysa horyaalka dalka Kuwait. Indhaha taageerayaasha iyo bahda kubadda cagta ayaa ku wajahan kulankan oo la filayo inuu yeesho tartan adag.
Dhanka kale, magacaabistan ayaa loo arkaa guul u soo hoyatay garsoorka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale muujinaysaa iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya xiriirrada kubadda cagta Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo la rajeynayo inay albaab u furto fursado dheeraad ah oo ay helaan garsoorayaasha Soomaaliyeed mustaqbalka.















