Wararka24: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa kulan istiraatiiji ah la yeeshay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), kuwaas oo uu hoggaaminayay Madaxa Barnaamijyada FAO ee Soomaaliya, Verenica Mutiro.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Maxamuud Siciid Nuur, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan waaxaha kala duwan ee wasaaradda.
Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo FAO, iyadoo mudnaanta la saaray sidii taageerada hay’adda loo waafajin lahaa himilooyinka ku xusan Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.
Mas’uuliyiinta ayaa isla gartay in la sii hormariyo wada-shaqeynta ku saabsan sugnaanta cuntada, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha, adkeysiga bulshada iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, si loo taageero dadaallada horumarineed ee dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo socon doona muddo saddex sano ah, kaas oo hagaya barnaamijyada mudnaanta leh, habka wada-shaqeynta iyo natiijooyinka la doonayo in la gaaro muddadaas.
Labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu heli karo maalgelin dheeraad ah, si loo taageero mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah iyo hirgelinta barnaamijyada saameynta togan ku leh bulshada Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa adkeeyay in taageerada iyo mashaariicda horumarineed lagu saleeyo mudnaanta qaranka, isla xisaabtan iyo natiijooyin la cabbiri karo, si loo xaqiijiyo horumar waara oo shacabka Soomaaliyeed si toos ah uga faa’iideystaan.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu ballaarinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo FAO, iyadoo la dardargelinayo qorsheynta wadajirka ah, isku-duwidda barnaamijyada iyo taageerada horumarinta dalka.






















