Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddiga doorashada oo ka jawaabay cabashada musharraxiinta Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa jawaab ka bixiyay cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Guddiga ayaa sheegay inuu qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 9, 2026, 6:27 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Guddiga doorashada oo ka jawaabay cabashada musharraxiinta Koonfur Galbeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa jawaab ka bixiyay cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Guddiga ayaa sheegay inuu qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in la diyaariyay ciidamo amni oo gaar ah oo ka madax-bannaan dhammaan musharraxiinta tartamaya. Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamadaasi ayaa loo xil saaray sugidda amniga goobaha doorashada iyo ilaalinta habsami u socodka codbixinta.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in la diyaariyay goob dhexdhexaad ah oo ay si siman u wada isticmaali karaan dhammaan musharraxiinta. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu doonayo in la hubiyo sinnaanta fursadaha musharraxiinta iyo in la dhowro shuruucda doorashada.

Qodob kale oo guddigu carrabka ku adkeeyay ayaa ah ilaalinta qarsoodiga codka. Guddiga ayaa ku wargeliyay xildhibaannada in aan loo oggolaan doonin inay taleefannada gacanta ama qalab la mid ah la galaan goobaha codbixinta, si looga hortago sawir qaadista warqadaha codka loona ilaaliyo madaxbannaanida codbixinta.

Mas’uuliyiinta guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay codkooda u dhiibtaan si xor ah oo qarsoodi ah, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo saameyn ku yeelan kara hufnaanta doorashada. Waxay sidoo kale xuseen in dhammaan habraacyada la raacayo ay waafaqsan yihiin sharciga doorashooyinka.

Jawaabta guddiga ayaa timid kadib markii musharraxiinta Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan ay muujiyeen walaac ku saabsan habka doorashada. Labada musharrax ayaa sheegay inay qabaan su’aalo la xiriira sinnaanta tartanka iyo xaaladaha ku xeeran geeddi-socodka doorashada.

Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo dhinacyada siyaasadda iyo shacabka ay sugayaan sida ay u dhacdo codbixinta iyo saameynta ay tallaabooyinka cusub ku yeelan doonaan kalsoonida doorashada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.