• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo ka hadashay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Federaalka oo ka hadashay arrinta Garsoore Cumar Cartan
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay dadaalladii ay ku dooneysay in xal loogu helo caqabadihii soo wajahay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan, kaas oo ka baaqday ka qeybgalka  ka garsoorka ciyaaraha koobka adduunka kadib markii loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed uu seego fursadda uu kaga qeyb geli lahaa tartanka ka socda Mareykanka, Canada iyo Mexico. Wasaaraddu waxay tilmaantay in arrintan ay saameyn ku yeelatay qorshihii ka qeybgalka Cartan ee tartankaasi.

Sida lagu sheegay bayaanka, markii la ogaaday caqabadaha la xiriira gelitaanka Mareykanka, waxaa la sameeyay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada Qaranka iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska. Dadaalladaas ayaa lagu doonayay in xal degdeg ah loogu helo xaaladda garsooraha.

Wasaaraddu waxay sheegtay in inkastoo dadaallo badan la sameeyay, haddana aysan suuragelin in la helo xal u saamaxa Garsoore Cartan inuu ka qeyb galo tartanka. Dowladda ayaa xustay in arrintan ay tahay mid laga xumaado maadaama uu Cartan matalayay Soomaaliya heer caalami.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu ammaanay Garsoore Cumar Cartan, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay tusaale muujinaya kartida, dadaalka iyo horumarka ay gaari karaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay sheegtay in guulihiisa ay sharaf u yihiin dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Garsoore Cartan iyo guud ahaan bahda ciyaaraha. Waxaa la sheegay in la xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo xirfadlayaasha Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo bahda isboortiga ee muujiyay taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cartan muddadii ay socotay arrintan.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.