Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo ka hadashay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay dadaalladii ay ku dooneysay in xal loogu helo caqabadihii soo wajahay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan, kaas oo ka baaqday ka qeybgalka ka garsoorka ciyaaraha koobka adduunka kadib markii…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 9, 2026, 2:31 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Federaalka oo ka hadashay arrinta Garsoore Cumar Cartan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay dadaalladii ay ku dooneysay in xal loogu helo caqabadihii soo wajahay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan, kaas oo ka baaqday ka qeybgalka  ka garsoorka ciyaaraha koobka adduunka kadib markii loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed uu seego fursadda uu kaga qeyb geli lahaa tartanka ka socda Mareykanka, Canada iyo Mexico. Wasaaraddu waxay tilmaantay in arrintan ay saameyn ku yeelatay qorshihii ka qeybgalka Cartan ee tartankaasi.

Sida lagu sheegay bayaanka, markii la ogaaday caqabadaha la xiriira gelitaanka Mareykanka, waxaa la sameeyay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada Qaranka iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska. Dadaalladaas ayaa lagu doonayay in xal degdeg ah loogu helo xaaladda garsooraha.

Wasaaraddu waxay sheegtay in inkastoo dadaallo badan la sameeyay, haddana aysan suuragelin in la helo xal u saamaxa Garsoore Cartan inuu ka qeyb galo tartanka. Dowladda ayaa xustay in arrintan ay tahay mid laga xumaado maadaama uu Cartan matalayay Soomaaliya heer caalami.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu ammaanay Garsoore Cumar Cartan, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay tusaale muujinaya kartida, dadaalka iyo horumarka ay gaari karaan dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay sheegtay in guulihiisa ay sharaf u yihiin dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Garsoore Cartan iyo guud ahaan bahda ciyaaraha. Waxaa la sheegay in la xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo xirfadlayaasha Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo bahda isboortiga ee muujiyay taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cartan muddadii ay socotay arrintan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.