Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Salaad Cali Jeelle oo loo magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 7, 2026, 12:47 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Salaad Cali Jeelle oo loo magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo howlaha talo bixinta, qorsheynta, isku dubbaridka iyo horumarinta shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda.

Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer kasoo shaqeeyay arrimaha dowladda, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran ah. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in uu leeyahay khibrad iyo aqoon la xiriirta dowlad dhiska iyo maamulka guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Salaad Cali Jeelle kaalintii uu kasoo qaatay adeegga bulshada iyo dowladda, isaga oo muujiyay kalsooni ku aaddan awooddiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kula dardaarmay lataliyaha cusub inuu si hufan oo daacadnimo leh u guto waajibaadka loo igmaday. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay inuu ku guuleysto masuuliyadda cusub ee loo magacaabay.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista hannaanka maamulka. Madaxtooyada ayaa sheegtay in tayeynta shaqaalaha sare iyo la taliyeyaasha ay muhiim u tahay hirgelinta qorshayaasha dowladda.

Salaad Cali Jeelle ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana uu horay usoo qabtay xilal kala duwan oo dowladda ah, kuwaas oo la xiriiray arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda iyo maamulka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

24 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.