• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xogta kulankii dhex-maray Farmaajo iyo Sheekh Shariif

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xogta kulankii dhex-maray Farmaajo iyo Sheekh Shariif
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta booqasho ku tegay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo kulankooda uu diiradda saaray xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo xiisadaha ka taagan Muqdisho.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, labada masuul ayaa ka wada hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho iyo saameynta uu ku yeeshay amniga iyo xaaladda guud ee dalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale muujiyay taageero uu u hayo Sheekh Shariif, isaga oo ka hadlay dhacdadii lagu hor istaagay kolonyada Shariif xilli uu kusii jeeday hoygiisa ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Kulankan ayaa yimid kadib markii Sheekh Shariif uu xalay qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga oo wada dadaallo lagu xalinayo xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Wafdiga Turkiga ayaa horay kulan ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka la qorsheynayo inay qabsoomaan. Kulamadaasi ayaa qayb ka ah dadaallo lagu raadinayo isfaham siyaasadeed.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dhinacyada siyaasadda ay isla meel dhigeen fikradda ah in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya qodobbada muranka ka taagan yahay, si loo diyaariyo hannaan lagu xallin karo khilaafaadka jira.

Dowladda Turkiga ayaa sii waddo dadaallada dhexdhexaadinta, iyadoo daneynaysa in Soomaaliya ay gaarto xasillooni siyaasadeed oo taageerta iskaashiga, maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal ka dhexeeya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.