• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la doortay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la doortay
Share

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa doortay guddoon cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulkaas.

Doorashada ayaa lagu doortay Mahad Maxamed Sheekh Xasan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Aadan Xasan Usaama ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, halka Shamso Maxamed Yarow loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa codkooda ku doortay hoggaanka cusub, kadib maalmo ay ku jireen dhameystirka geeddi-socodka dhismaha hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan ayaa timid kadib markii la dhisay Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, kaas oo maamulka uu sheegay inuu ku yimid hannaanka doorashooyinka qof iyo cod. Hannaankan ayaa horay uga soo horjeestay siyaasiyiin mucaarad ah iyo maamullada maamullada Puntland iyo Jubaland.

Waxaa hadda la filayaa in baarlamaanka cusub uu guda galo wajiga xiga ee doorashooyinka, iyadoo la qorsheynayo in 10-ka Juun la doorto Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Aadan Xasan Usaama iyo Shamso Maxamed Yarow xilalka loo doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan, daacadnimo leh oo mas’uuliyad ku dheehan tahay ugu adeegaan shacabka. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay ka shaqeeyaan xoojinta dowladnimada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo adkeynta hay’adaha dowladeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay sida haboon ee ay doorashadu u dhacday, isagoo ammaanay xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed kaalinta ay ka qaateen dhismaha hay’adaha maamulka iyo ilaalinta xasilloonida.


Share

Recommended

Dowladda Mareykanka oo qorsha xasaasi ah qaaday kahor weerarka Iiraan

Dowladda Mareykanka oo qorsha xasaasi ah qaaday kahor weerarka Iiraan

7 months ago
AFRICOM oo duqeyn ka fulisay buuraha Bari ee Puntland laguna beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish

AFRICOM oo duqeyn ka fulisay buuraha Bari ee Puntland laguna beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish

5 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
Muungaab oo laba boos iyo guri ku wareejiyey  Abwaan Mustafe + sawiro

Muungaab oo laba boos iyo guri ku wareejiyey  Abwaan Mustafe + sawiro

4 days ago
Kenya

Kenya oo Diiday Qorshahe weyn oo ay Somaliland wadatay + Sababta

1 year ago
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

7 months ago
Xisbiga Xasan Sheekh oo shaaciyay musharraxooda Koonfur Galbeed

Xisbiga Xasan Sheekh oo shaaciyay musharraxooda Koonfur Galbeed

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.