Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la doortay

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa doortay guddoon cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulkaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 5, 2026, 9:26 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la doortay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa doortay guddoon cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulkaas.

Doorashada ayaa lagu doortay Mahad Maxamed Sheekh Xasan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Aadan Xasan Usaama ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, halka Shamso Maxamed Yarow loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa codkooda ku doortay hoggaanka cusub, kadib maalmo ay ku jireen dhameystirka geeddi-socodka dhismaha hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan ayaa timid kadib markii la dhisay Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, kaas oo maamulka uu sheegay inuu ku yimid hannaanka doorashooyinka qof iyo cod. Hannaankan ayaa horay uga soo horjeestay siyaasiyiin mucaarad ah iyo maamullada maamullada Puntland iyo Jubaland.

Waxaa hadda la filayaa in baarlamaanka cusub uu guda galo wajiga xiga ee doorashooyinka, iyadoo la qorsheynayo in 10-ka Juun la doorto Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Aadan Xasan Usaama iyo Shamso Maxamed Yarow xilalka loo doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan, daacadnimo leh oo mas’uuliyad ku dheehan tahay ugu adeegaan shacabka. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay ka shaqeeyaan xoojinta dowladnimada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo adkeynta hay’adaha dowladeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay sida haboon ee ay doorashadu u dhacday, isagoo ammaanay xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed kaalinta ay ka qaateen dhismaha hay’adaha maamulka iyo ilaalinta xasilloonida.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

23 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

23 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.