• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Ugaaska Beesha Murusade oo dowladda ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ugaaska Beesha Murusade oo dowladda ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay Muqdisho
Share

Wararka24: Ugaaska Beesha Murusade, Cabdirisaaq Faracadde, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Ugaaska oo ku sugnaa guriga Xasan Cali Khayre xilligii uu dhacay iska horimaadka ayaa sheegay in dagaalku bilowday xilli ay socdeen dadaallo lagu dejinayay xiisadda taagneyd. Wuxuu tilmaamay in kulamo iyo waanwaan lagu waday sidii loo xallin lahaa khilaafaadka jira, balse xaaladdu ay isu beddeshay gacan ka hadal.

“Saacadu marka ay ahayd shantii galabnimo annagoo nabadda ka shaqaynayno ayay nagu bilaabatay, welina dagaalku waa nagu socdaa,” ayuu yiri Ugaas Cabdirisaaq Faracadde, isaga oo sheegay in weerarka uu ka yimid dhinaca ciidamada dowladda.

Sida uu sheegay Ugaasku, dagaalka ayaa socday saacado badan, wuxuuna sababay cabsi iyo walaac soo wajahay dadka ku nool xaafadaha ay rabshaduhu ka dhaceen. Wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaadda, isla markaana dib loogu laabto wada-hadal iyo xal nabadeed.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo si toos ah uga jawaabaya eedeymaha uu jeediyay Ugaaska. Dowladda ayaa horay u sheegtay inay ka shaqeynayso sugidda amniga caasimadda iyo ilaalinta kala dambeynta.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli Muqdisho ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo sii kordhaya, kuwaas oo la xiriira khilaafyo u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Dhinacyada kala duwan ayaa weli is-weydaarsanaya eedeymo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah rabshadaha dhacay, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda amni ee magaalada.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.