• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali
Share

Wararka24: Imaam Cumar Macalin Abshir oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Garaad Jaamac Garaad Cali oo la xiriiray dadaallada lagu dhex-dhexaadinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in dadaalladaas ay hakad galeen kadib markii aan la soo dhammaystirin xubnihii laga sugayay guddiga odayaasha dhaqanka ee loo xil saaray dhexdhexaadinta, gaar ahaan xubnaha laga filayay beelaha Hawiye.

Isagoo ka hadlayay arrintaasi, Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa sheegay in odayaasha Hawiye ay taageersan yihiin nabadda, dowladnimada iyo xasilloonida dalka, isla markaana aysan qayb ka noqon doonin tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad ama colaad.

“Waxaan maqlaayay nin oday ah oo maalin dhaweyd dhahaayo odayaashii Hawiye ayaa soo bixi waayay. Odayaasha Hawiye nabad ayay rabaan, dowladnimo ayay rabaan, karaamo ayay rabaan,” ayuu yiri Imaam Cumar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed aanu waafaqsanayn in isimmo ama odayaal dhaqameed ay hormuud ka noqdaan dagaal ama isku dhac siyaasadeed, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.

Dooddan ayaa kusoo aadaysa xilli ay weli socdaan dadaallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo ku saabsan murannada ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah mucaaradka.

Si kastaba, dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa wajahaya marxalad xasaasi ah, iyadoo baaqyada ku aaddan wada-hadalka iyo xalinta khilaafaadka ay sii kordhayaan maalmahan dambe.

Daawo


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.