Wararka24: Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salad, ayaa xalay kulan kula yeeshay hoygiisa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo bannaanbaxyo la qorsheynayo maalmaha soo socda.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhacdo kasta oo saameyn ku yeelan karta amniga guud ee magaalada.
Ilo ku dhow Sheekh Shariif ayaa sheegay in Mahad Salaad uu soo jeediyay in dib loo eego waqtiga bannaanbax la qorsheeyay inuu qabsoomo 4-ta Juun, si loo helo diyaar-garow amni oo dheeraad ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada amniga lagu wargeliyay inay xaqiijiyaan nabadgelyada isu-soo-baxyada haddii ay dhacaan.
Dhankiisa, Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu tilmaamay in qorshaha bannaanbaxa uu yahay go’aan ay si wadajir ah u gaareen xubnaha Golaha Mustaqbalka, balse uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax walba ku dhacaan si nabad ah oo aan khalkhal gelin amniga.
Kulankan ayaa yimid saacado kadib kulan kale oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen Xasan Sheekh
Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Taliye Mahad Salaad
Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale tilmaamaya in kulamada iyo wada-tashiyada socda ay xiriir la leeyihiin arrimaha doorashada Galmudug, oo haatan ah mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee lagu falanqeynayo fagaarayaasha siyaasadda dalka.
Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay NISA, Madaxtooyada ama Golaha Mustaqbalka oo si faahfaahsan uga hadlay natiijada kulanka xalay, hase yeeshee waxaa muuqata in dadaallo lagu doonayo in lagu ilaaliyo amniga Muqdisho ay sii socdaan.


















