Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Al-Shabaab oo ka hadashay duqeymaha Turkiga iyo Mareykanka

Al-Shabaab ayaa si kulul u weerartay dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku eedeysay inay door militari iyo mid siyaasadeed ku leeyihiin gudaha Soomaaliya isla markaana ay taageero siiyaan dowladda federaalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 29, 2026, 4:19 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Al-Shabaab oo ka hadashay duqeymaha Turkiga iyo Mareykanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Al-Shabaab ayaa si kulul u weerartay dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku eedeysay inay door militari iyo mid siyaasadeed ku leeyihiin gudaha Soomaaliya isla markaana ay taageero siiyaan dowladda federaalka.

Eedeymahan ayaa lagu sheegay farriinta sanadlaha ah ee kooxda ay soo saarto munaasabadda Ciidul Adxa, taas oo uu jeediyay afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Cali Dheere ayaa si gaar ah u weeraray duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Washington inay beegsato dad rayid ah, halka Mareykanku uu sheegay in howlgaladiisu yihiin kuwo ka dhan ah argagixisada.

Warbixin ay daabacday Long War Journal ayaa lagu sheegay in Mareykanku kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya sanadihii dambe. AFRICOM ayaa dhinaceeda marar badan sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada rayidka.

Khudbadda Cali Dheere ayaa sidoo kale si weyn loogu weeraray Turkiga, oo kamid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya dowladda Soomaaliya. Ankara ayaa taageero militari, dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed siisa Muqdisho, waxayna ku leedahay saldhig weyn oo tababar militari ah gudaha dalka.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa Turkiga ku eedeeyay inuu doonayo inuu “boobo” kheyraadka Soomaaliya, isagoo sidoo kale weeraray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud kuna eedeeyay inuu heshiisyo la galay Ankara ku “iibinayo” hantida qaranka.

Hadalkaas ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan heshiisyada iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga badda iyo sahminta shidaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiisyadaas, iyadoo ku tilmaamtay kuwo lagu xoojinayo amniga dalka, ilaalinta xeebaha iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah kadib tobannaan sano oo colaado ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

19 hours ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

20 hours ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

20 hours ago
Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

1 day ago
Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

1 day ago
Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

2 days ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

2 days ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.