Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Midowga Yurub Oo Ku Baaqay in dib u bilaawdhaan wada-hadallada Mucaaradka iyo DF

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 5:26 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Midowga Yurub Oo Ku Baaqay in dib u bilaawdhaan wada-hadallada Mucaaradka iyo DF
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Midowga Yurub ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka jira.

“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjire Di Mauro.

Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo oo keliya wada-xaajood iyo heshiisyo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin, halkii laga dooran lahaa isku dhac siyaasadeed ama go’aanno hal dhinac ah.

Francesca Di Mauro ayaa sidoo kale sheegtay in wada-hadallo u dhexeeyay dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay jireen kahor intii aysan iman Soomaaliya bishii Sebtembar ee sanadkii hore, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la yeeshay dhammaan dhinacyada.

Danjiraha ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda inay si buuxda uga qeyb qaataan wada-hadallada marka dib loo bilaabo, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo horseeda hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

“Waxaan rajeynaynaa in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay u sheegtay Dawan Media.

Baaqa kasoo baxay Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan nooca doorashooyinka, muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay isku hayaan arrimaha dastuurka, maamulka doorashooyinka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.