Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa dowladda Britain ku eedeeyay inay muujinayso laba wajiilenimo siyaasadeed, kadib markii ay taageertay aqoonsiga Falastiin balse aysan weli aqoonsan Somaliland.
Wareysi uu siiyay wargeys ka soo baxa Britain ayuu Cirro ku sheegay in Somaliland ay London ka filaysay taageero ka badan tan hadda jirta, isaga oo xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dhinac iyo nidaamka doorashooyinka ee ka jira Somaliland.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay muddo dheer lahayd hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, isla markaana ay buuxisay shuruudaha dowladnimo ee lagu aqoonsado dal madax bannaan. Wuxuu sheegay in Britain ay tahay dal ay Somaliland xiriir gaar ah la leedahay, sidaas darteedna ay filayaan in mowqifkeeda dib loo eego.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho ayaa marar badan sheegtay in tallaabo kasta oo lagu taageerayo gooni isu taagga Somaliland ay ka hor imaaneyso midnimada iyo madax bannaanida dalka.
Britain iyo inta ee badan beesha caalamka ayaa weli taageersan midnimada Soomaaliya, iyagoo aaminsan in arrimaha u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa lagu xalliyo wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed.
Doodda aqoonsiga Somaliland ayaa sii xoogeysatay sanadihii dambe, iyadoo muhiimad dheeraad ah ay siisay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland. Dekedda Berbera iyo xeebaha ku dhow marin biyoodka Bab al-Mandab ayaa soo jiitay indhaha quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka.
Falanqeeyayaal badan ayaa qaba in arrinta aqoonsiga Somaliland ay weli tahay mawduuc xasaasi ah oo saameyn ku leh Geeska Afrika. Waxay ka digayaan in tallaabooyin degdeg ah ay abuuri karaan xiisado cusub, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in doodda aqoonsigu sii socon doonto maadaama Somaliland ay waddo dadaal diblomaasiyadeed oo joogto ah.
Dhinaca kale, hoggaanka Somaliland ayaa sii wada ololaha ay ku raadinayaan aqoonsi caalami ah, halka Soomaaliya ay xoojinayso dadaallada lagu ilaalinayo midnimada dalka iyo mowqifka ay taageerayaan inta badan dalalka caalamka.

















