Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Turkiga oo dadaal ugu jira xalinta khilaafka siyaasadeed ee DF iyo mucaaradka

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay qorsheynayso inay wafdi heer sare ah u dirto magaalada Muqdisho kadib fasaxa Ciidul Adxaa, iyadoo lagu wado inay door ka qaadato dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 23, 2026, 5:43 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Turkiga oo dadaal ugu jira xalinta khilaafka siyaasadeed ee DF iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay qorsheynayso inay wafdi heer sare ah u dirto magaalada Muqdisho kadib fasaxa Ciidul Adxaa, iyadoo lagu wado inay door ka qaadato dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegay in Ankara ay doonayso inay qaadato door dhexdhexaadin ah, si loo helo xal siyaasadeed oo ay isku raacsan yihiin dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka. Dadaalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan murannada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in toddobaadyadii lasoo dhaafay ay jireen kulamo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adaha amniga Turkiga iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya. Sida ay sheegayaan xogahaasi, Turkiga ayaa dhinacyada u sheegay inuusan la safnayn hal dhibac oo keliya, balse uu doonayo heshiis lagu wada qanco.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan kulamo la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş. Kulamadaas ayaa lagu sheegay inay diiradda saarayeen iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan doorka Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo mararka qaar ku eedeeyay Ankara inay saameyn ku leedahay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Eedeymahaas ayay dowladda Turkiga si rasmi ah uga hadlin.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in dadaallada cusub ee Turkiga ay ka tarjumayaan walaaca laga qabo sii xoogeysiga kala qeybsanaanta siyaasadeed, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Turkiga ayaa weli ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isagoo taageero ka geysta amniga, tababarka ciidamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka, kuwaas oo qayb muhiim ah kaqata xiriirka labada dal.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.