• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Turkiga oo dadaal ugu jira xalinta khilaafka siyaasadeed ee DF iyo mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Turkiga oo dadaal ugu jira xalinta khilaafka siyaasadeed ee DF iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay qorsheynayso inay wafdi heer sare ah u dirto magaalada Muqdisho kadib fasaxa Ciidul Adxaa, iyadoo lagu wado inay door ka qaadato dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegay in Ankara ay doonayso inay qaadato door dhexdhexaadin ah, si loo helo xal siyaasadeed oo ay isku raacsan yihiin dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka. Dadaalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan murannada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in toddobaadyadii lasoo dhaafay ay jireen kulamo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adaha amniga Turkiga iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya. Sida ay sheegayaan xogahaasi, Turkiga ayaa dhinacyada u sheegay inuusan la safnayn hal dhibac oo keliya, balse uu doonayo heshiis lagu wada qanco.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan kulamo la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş. Kulamadaas ayaa lagu sheegay inay diiradda saarayeen iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan doorka Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo mararka qaar ku eedeeyay Ankara inay saameyn ku leedahay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Eedeymahaas ayay dowladda Turkiga si rasmi ah uga hadlin.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in dadaallada cusub ee Turkiga ay ka tarjumayaan walaaca laga qabo sii xoogeysiga kala qeybsanaanta siyaasadeed, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Turkiga ayaa weli ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isagoo taageero ka geysta amniga, tababarka ciidamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka, kuwaas oo qayb muhiim ah kaqata xiriirka labada dal.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.