Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Masar oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha magaalada Qudus

Dowladda Masar ayaa si adag uga hortimid qorshaha Somaliland ee ah inay safaarad ka furato magaalada Qudus, iyadoo arrintaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 21, 2026, 5:49 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Masar oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha magaalada Qudus
Share

Wararka24: Dowladda Masar ayaa si adag uga hortimid qorshaha Somaliland ee ah inay safaarad ka furato magaalada Qudus, iyadoo arrintaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay si cad u diidan tahay tallaabo kasta oo lagu taageerayo ama lagu sharciyeynayo xaaladda muranka badan ee magaalada Qudus.

Masar ayaa carrabka ku adkeysay in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiini ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, islamarkaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo wax ka beddeleysa xaaladda siyaasadeed iyo sharci ee magaaladaasi.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Masar ay taageersan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa ka digtay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameyn ku yeelan karta qarannimada Soomaaliya.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso xiriir diblomaasiyadeed oo dhow oo ay la yeelato Israel, kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa sidoo kale horey u cambaareeyay qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus, iyagoo sheegay inuu ka hor imaanayo mowqifka mideysan ee dunida Islaamka ee ku saabsan magaalada barakeysan ee Qudus iyo qadiyadda Falastiin.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa qorsheyneysa inay safaarad ka furato magaalada Hargeysa, sida uu shaaciyay safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil, Maxamed Xaaji. Arrintan ayaa sii xoojisay doodda iyo falcelinta siyaasadeed ee ka dhalatay xiriirka cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel.

Go’aanka la xiriira Qudus ayaa haatan Somaliland geliyay muran siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ballaaran, iyadoo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah ay muujinayaan walaac xooggan oo ku saabsan tallaabadaasi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.