Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, taas oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeysa degmada Buuloburde iyo deegaanka Buq Aqable, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka cirka uu ku socday maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare oo ay sheegeen inay gabaad ka dhiganayeen aaggaasi. Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay inay maqlayeen jug xooggan oo ka dhalatay gantaallada lagu garaacay goobaha la beegsaday. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhismayaal iyo xarumo ay kooxda lahayd ay waxyeello kasoo gaartay duqeynta.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana weli socda qiimeynta iyo howlgalada ciidamada ee ka socda aagga Buuloburde iyo deegaanada ku dhow.
Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay sida joogtada ah uga socdaan howlgallada militari iyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama kooxda ay weli ku leedahay dhaqdhaqaaqyo xooggan qaybo kamid ah gobolkaasi.
Xaaladda deegaanka la duqeeyay ayaa weli kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo feejignaan amni laga dareemayo deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, ayaa kordhiyay duqeymaha iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe iyo koonfurta dalka.


















