• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus
Share

Wararka24: Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul uga falcelisay qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Qudus, taas oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda mustaqbalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya xaaladda magaalada Qudus, islamarkaana ay tahay arrin sharci darro ah.

Ururka ayaa sidoo kale sheegay in qorshahaasi uu dhaawac ku yahay dadaallada lagu taageerayo shacabka reer Falastiin iyo xuquuqdooda siyaasadeed, maadaama magaalada Qudus ay kamid tahay arrimaha ugu xasaasisan khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

“Go’aanka maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya uu ku doonayo inuu safaarad uga furto Qudus wuxuu xoojinayaa sheegashada Israa’iil ee dhulka Falastiin. Marna ma aqbali doonno tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa midnimada iyo madax-bannaanida Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaanka OIC.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale caddeeyay inuu taageersan yahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabo kasta oo dhaawaceysa madax-bannaanida Soomaaliya ama dhiirrigelin karta gooni isu-taag.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso xiriir diblomaasiyadeed oo dhow oo ay la yeelato Israel, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah u sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Dhanka kale, Safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa horey u sheegay in Somaliland ay safaarad ka furan doonto magaalada Qudus, halka Israa’iil ay iyaduna safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa.

Tallaabooyinkan ayaa dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro Islaami ah, kuwaas oo u arka arrintan mid khatar ku ah mowqifka Islaamka ee ku aaddan magaalada barakeysan ee Qudus iyo qadiyadda Falastiin.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.