• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida
Share

Wararka24: Hay’adda Ammaanka Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ee UKMTO ayaa ka digtay kororka weerarrada iyo afduubyada ay geysanayaan burcad-badeedda Soomaalida, iyadoo la sheegay in ugu yaraan saddex markab ay hadda gacanta ku hayaan kooxahaasi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in maraakiibta la afduubtay intii u dhexeysay 21-kii Abriil illaa 2-dii May, islamarkaana labo kamid ah ay sideen shidaal halka mid kale uu watay shamiinto. Mid kamid ah maraakiibta ayaa laga qafaashay xeebaha Yemen kadibna loo wareejiyay dhinaca Soomaaliya.

Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan suuragalnimada in xiriir ama iskaashi uu dhex maro burcad-badeedda Soomaalida iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran. Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa sheegay in colaadaha ka jira Bariga Dhexe ay abuureen fursado cusub oo ay kooxahaasi uga faa’iideysan karaan xaaladda amni darrada ah.

Xildhibaan Maxamed Diini oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dib-usoo-noqoshada burcad badeednimada ay xiriir la leedahay xaaladaha amni ee gobolka iyo isbeddelada ku yimid marinnada maraakiibta caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale ka digay in kooxaha burcad-badeedda ay xiriir la sameyn karaan Xuutiyiinta Yemen.

Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in saddex kooxood oo burcad-badeed ah ay hadda ka howlgalaan waqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo leh taageero dhinaca berriga iyo badda ah. Hay’addu waxay sheegtay in khatarta burcad-badeednimadu ay weli sareyso xeebaha Soomaaliya iyo marinnada muhiimka ah ee badweynta.

Dhanka kale, khubaro dhanka amniga ah ayaa sheegay in xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ay sabab u noqdeen in ciidamada caalamiga ah qaarkood ay diiradda saaraan ilaalinta marinka Bab al-Mandab, taas oo hoos u dhigtay dadaalladii lagula dagaallamayay burcad-badeedda Soomaalida.

Soomaaliya iyo Yemen ayaa wadaaga xuduud badeed dheer, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in kooxaha hubeysan ee labada dhinac ay yeeshaan xiriir amni iyo iskaashi halis ku noqon kara ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta isticmaasha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.