Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Mareykanka oo Imaaraadka ku riixaya qabsashada Jasiiradda Lavan

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu warramayaa inay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhiirrigelinayaan inay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Iiraan, isla markaana ay la wareegto jasiiradda istaraatiijiga ah ee Lavan oo ku taalla…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 18, 2026, 9:54 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo Imaaraadka ku riixaya qabsashada Jasiiradda Lavan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu warramayaa inay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhiirrigelinayaan inay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Iiraan, isla markaana ay la wareegto jasiiradda istaraatiijiga ah ee Lavan oo ku taalla Gacanka, sida uu qoray wargeyska The Telegraph.

Warbixinta ayaa sheegtay in qaar kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Donald Trump ay soo jeediyeen in ciidamada Imaaraadka ay si toos ah u qabsadaan jasiiraddaasi, halkii ciidamada Mareykanka ay howlgalkaasi fulin lahaayeen.

Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa dhinaca amniga ee maamulka Trump ayaa wargeyska u sheegay in Imaaraadka lagu dhiirrigeliyay inuu tallaabadaasi qaado, isagoo sheegay in ciidamada Imaaraadka ay si toos ah dhulka uga hawlgeli karaan.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo Imaaraadka lagu eedeeyay inuu qaaday duqeymo qarsoodi ah oo lagu beegsaday goobo ay Iiraan ku leedahay Jasiiradda Lavan horraantii bishii Abriil.

Warbixinnada ayaa sidoo kale muujinaya in xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil uu sii xoogeysanayo tan iyo markii uu dagaalku billowday. Israa’iil ayaa la sheegay inay Abu Dhabi siisay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome si looga hortago weerarrada Iiraan.

Dhinaca kale, falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in dagaalkan uu beddel weyn ku keenayo isku dheelitirka awoodda Bariga Dhexe, iyadoo dalalka gobolka ay u kala safanayaan isbaheysiyo cusub oo iska soo horjeeda.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu wajahayo cadaadis amni iyo mid dhaqaale kadib weerarro gantaallo iyo diyaarado drones ah oo ay Iiraan ku qaaday, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo si weyn u saameeyay xaaladda amni ee dalkaasi.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa la sheegay inay diideen dalab uga yimid Imaaraadka oo ahaa inay ku biiraan weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo sii muujisay kala aragti duwanaanta ka dhex jirta dalalka Khaliijka.

Iiraan ayaa toddobaadkan ku eedeysay Imaaraadka inuu si firfircoon uga qeyb qaadanayo colaadda, halka Abu Dhabi ay si adag u beenisay eedeymahaasi, iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay inay difaacato amnigeeda iyo madax-bannaanideeda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

4 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

6 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

7 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

7 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

7 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

7 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.