• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Mareykanka oo Imaaraadka ku riixaya qabsashada Jasiiradda Lavan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo Imaaraadka ku riixaya qabsashada Jasiiradda Lavan
Share

Wararka24: Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu warramayaa inay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhiirrigelinayaan inay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Iiraan, isla markaana ay la wareegto jasiiradda istaraatiijiga ah ee Lavan oo ku taalla Gacanka, sida uu qoray wargeyska The Telegraph.

Warbixinta ayaa sheegtay in qaar kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Donald Trump ay soo jeediyeen in ciidamada Imaaraadka ay si toos ah u qabsadaan jasiiraddaasi, halkii ciidamada Mareykanka ay howlgalkaasi fulin lahaayeen.

Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa dhinaca amniga ee maamulka Trump ayaa wargeyska u sheegay in Imaaraadka lagu dhiirrigeliyay inuu tallaabadaasi qaado, isagoo sheegay in ciidamada Imaaraadka ay si toos ah dhulka uga hawlgeli karaan.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo Imaaraadka lagu eedeeyay inuu qaaday duqeymo qarsoodi ah oo lagu beegsaday goobo ay Iiraan ku leedahay Jasiiradda Lavan horraantii bishii Abriil.

Warbixinnada ayaa sidoo kale muujinaya in xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil uu sii xoogeysanayo tan iyo markii uu dagaalku billowday. Israa’iil ayaa la sheegay inay Abu Dhabi siisay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome si looga hortago weerarrada Iiraan.

Dhinaca kale, falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in dagaalkan uu beddel weyn ku keenayo isku dheelitirka awoodda Bariga Dhexe, iyadoo dalalka gobolka ay u kala safanayaan isbaheysiyo cusub oo iska soo horjeeda.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu wajahayo cadaadis amni iyo mid dhaqaale kadib weerarro gantaallo iyo diyaarado drones ah oo ay Iiraan ku qaaday, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo si weyn u saameeyay xaaladda amni ee dalkaasi.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa la sheegay inay diideen dalab uga yimid Imaaraadka oo ahaa inay ku biiraan weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo sii muujisay kala aragti duwanaanta ka dhex jirta dalalka Khaliijka.

Iiraan ayaa toddobaadkan ku eedeysay Imaaraadka inuu si firfircoon uga qeyb qaadanayo colaadda, halka Abu Dhabi ay si adag u beenisay eedeymahaasi, iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay inay difaacato amnigeeda iyo madax-bannaanideeda.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.