Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay natiijada doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 5:35 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay natiijada doorashada Koonfur Galbeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashooyinkan oo laga qabtay 13 degmo ayaa lagu doortay xubnaha goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo ay ka qayb-galeen 32 urur siyaasadeed.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in illaa 132,430 qof oo qaatay kaararka codbixinta ay ka qeyb-galeen doorashada, isla markaana si nabad ah ay ku dhacday.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyay sida ururrada siyaasadeed u kala heleen kuraasta Golaha Wakiillada oo gaaraya 95 kursi. Sida natiijada lagu dhawaaqay, ururka JSP ayaa helay kuraasta ugu badan kadib markii uu ku guuleystay 51 kursi.

Ururka NPU ayaa helay 14 kursi, halka ururka Karaama uu helay 11 kursi. Sidoo kale, ururka SINCAD ayaa helay 6 kursi, halka ururka Tiir uu ku guuleystay 3 kursi. Qaar kamid ah ururradii kale ayaa helay hal kursi, halka kuwo kale aysan wax kursi ah helin.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee laga qabtay 13-ka degmo, kuwaas oo loo tartamay 297 kursi, iyadoo ay sidoo kale ka qayb-galeen 32 urur siyaasadeed.

Doorashooyinkan ayaa kusoo aaday xilli uu jiro muran siyaasadeed oo xooggan oo ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ee dalka. Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ka soo horjeeda hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.

Ilaa hadda lama oga in dhammaan ururradii siyaasadeed ee ka qayb-galay doorashada ay aqbali doonaan natiijada uu guddigu maanta shaaciyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

17 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.