• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay natiijada doorashada Koonfur Galbeed

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay natiijada doorashada Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashooyinkan oo laga qabtay 13 degmo ayaa lagu doortay xubnaha goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo ay ka qayb-galeen 32 urur siyaasadeed.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in illaa 132,430 qof oo qaatay kaararka codbixinta ay ka qeyb-galeen doorashada, isla markaana si nabad ah ay ku dhacday.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyay sida ururrada siyaasadeed u kala heleen kuraasta Golaha Wakiillada oo gaaraya 95 kursi. Sida natiijada lagu dhawaaqay, ururka JSP ayaa helay kuraasta ugu badan kadib markii uu ku guuleystay 51 kursi.

Ururka NPU ayaa helay 14 kursi, halka ururka Karaama uu helay 11 kursi. Sidoo kale, ururka SINCAD ayaa helay 6 kursi, halka ururka Tiir uu ku guuleystay 3 kursi. Qaar kamid ah ururradii kale ayaa helay hal kursi, halka kuwo kale aysan wax kursi ah helin.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee laga qabtay 13-ka degmo, kuwaas oo loo tartamay 297 kursi, iyadoo ay sidoo kale ka qayb-galeen 32 urur siyaasadeed.

Doorashooyinkan ayaa kusoo aaday xilli uu jiro muran siyaasadeed oo xooggan oo ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ee dalka. Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ka soo horjeeda hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.

Ilaa hadda lama oga in dhammaan ururradii siyaasadeed ee ka qayb-galay doorashada ay aqbali doonaan natiijada uu guddigu maanta shaaciyay.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.