Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweyne Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa kadib safarkii Imaaraadka

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Hargeysa kadib safar in ka badan 20 maalmood uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 5:08 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa kadib safarkii Imaaraadka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Hargeysa kadib safar in ka badan 20 maalmood uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo saraakiisha amniga. Kadib waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarka Cirro uu ahaa mid shaqsi ah, isla markaana uu haatan dib ugu soo laabtay dalka si uu usii wato howlihiisa shaqo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqsi ah oo uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Safarka dheer ee madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliyay hadal-heyn xooggan, iyadoo dad badan ay isweydiinayeen sababta maqnaanshihiisa tan iyo 23-kii April markii la sheegay inuu u baxay arrimo gaar ah.

Qaar kamid ah shacabka ayaa baraha bulshada ku muujiyay dareenkooda ku aaddan dib usoo laabashada madaxweynaha. Dadka qaar ayaa u rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho wanaagsan, halka kuwo kale ay kusoo dhaweeyeen inuu dib ugu soo laabto dalka.

Sidoo kale, baraha bulshada ayaa lagu faafiyay hadallo iyo mala-awaallo kala duwan oo la xiriiray safarka madaxweynaha, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya sheegashooyinkaasi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

5 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

7 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

8 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

8 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

8 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

8 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

8 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.