• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa kadib safarkii Imaaraadka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa kadib safarkii Imaaraadka
Share

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Hargeysa kadib safar in ka badan 20 maalmood uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo saraakiisha amniga. Kadib waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarka Cirro uu ahaa mid shaqsi ah, isla markaana uu haatan dib ugu soo laabtay dalka si uu usii wato howlihiisa shaqo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqsi ah oo uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Safarka dheer ee madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliyay hadal-heyn xooggan, iyadoo dad badan ay isweydiinayeen sababta maqnaanshihiisa tan iyo 23-kii April markii la sheegay inuu u baxay arrimo gaar ah.

Qaar kamid ah shacabka ayaa baraha bulshada ku muujiyay dareenkooda ku aaddan dib usoo laabashada madaxweynaha. Dadka qaar ayaa u rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho wanaagsan, halka kuwo kale ay kusoo dhaweeyeen inuu dib ugu soo laabto dalka.

Sidoo kale, baraha bulshada ayaa lagu faafiyay hadallo iyo mala-awaallo kala duwan oo la xiriiray safarka madaxweynaha, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya sheegashooyinkaasi.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.