• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay xaaladda amniga caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka si loo xaqiijiyo xasilloonida caasimadda.

Shirka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay fulinta amarkii hore ee maamulka gobolka ee lagu hakiyay dhammaan howlaha la xiriira fulinta dhulka, baneynta iyo jid-u-furista ka socotay gudaha magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo kala dambeynta iyo amniga guud ee magaalada, xilli ay jiraan cabashooyin la xiriira muranka dhulka danta guud.

Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay laf-dhabarta horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isagoo faray hay’adaha ammaanka inay labanlaabaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo badqabka shacabka.

Dhanka kale, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa ka digay kooxo uu ku eedeeyay inay wadaan falal amni-darro iyo isku dayo lagu qalqal gelinayo xasilloonida caasimadda.

Wuxuu shacabka ugu baaqay feejignaan iyo inay laamaha amniga la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta burburin cusub ama dhaqdhaqaaqyo khatar ku noqon kara amniga Muqdisho.

Kulankan amni ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay qorsheynayaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda, kuwaas oo la filayo inay ka dhacaan Muqdisho 10-ka May, iyadoo arrimaha dhulka iyo xarigyada dhalinyarada ay qeyb ka yihiin cabashooyinka ay mucaaradku soo bandhigeen.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.